Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee FJS mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qayb ka yihiin wasiirada waxbarashada dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka iyo gobolka Banaadir, ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb oo maalinta beri ah uu ka furmi doono shirka wadatashiga qaran ee arrimaha waxbarashada Soomaaliya.
Dowlad goboleedyada jubbaland, hirshabeelle iyo koonfurgalbeed oo wasiiraddoodu wafdiga wasiirka waxbarashada Soomaaliya qayb ka yihiin ayaa Dhuusamareeb u yimid shirka wadatashiga qaran ee arrimaha waxbarashada oo ay marti gelineyso labada maalmood ee nagu soo aadan wasaradda waxbarashada dowlad goboleedka Galmudug.
Maxamed Xaashi Dhoore wasiirka waxbarashada Galmudug oo ay wehliyaan xubno kamid ah Xukuumadda ayaa Garoonka Ugaas Nuur uga hortagey wafdigan, iyagoo u muujiyey soo dhaweyn iyo sida Galmudug u diyaarsan tahay marti-gelinta shirkan wada-tashiga qaran ah oo markiisii ugu horeysay la isugu yimid Dhuusamareeb.
Wasiirada waxbarashada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo loo soo galiyey gudaha caasimadda Galmudug ayaa soo dhaweyn gaar ah loogu sameeyey aqalka madaxtooyada oo ay kulamo hordhac ah kula leeyihiin madaxda sare ee Galmudug
