Wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdulahi Goodax Barre, ayaa magaalada Nairobi kulamo kala duwan kula qaatay xubno ka socda hay’addaha deeq bixiyaasha.
Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulanka hore la qaatay Mr. Kevin Smith, Ms. Rina Dhalal iyo Dr. Iiman Yarow, oo ka socda hay’adda USAID, waxana ay ka wada hadleen , sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo sidii looga miro dhalin lahaa mashaariicda waxbarashada.
“Waxaan kulan la qaatay Mr. Kevin Smith, Ms. Rina Dhalal iyo Dr. Iiman Yarow, oo ka socda hay’adda USAID, waxaan ka wada hadalnay, sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo sidii looga midho dhalin lahaa mashaariicda waxbarashada, waxaan si gaar ah uga wada hadalnay mashruuc waxbarasho oo ku saabsan xoolo dhaqatada iyo meelaha miyiga ah kana socda gobolada sida Gedo, Bay iyo Bakool oo ay maalgalisay USAID ayna hirgelinayso UNICEF, mashruucan oo ah mid tijaabo ah ayaan qorsheyneynaa inaan ka hirgelino gobollada dalka” Ayuu yiri wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre.
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in bisha October magaalada Muqdisho lagu qaban doono shir lagu lafa guri doono waxqabadka iyo waxa uu soo kordhiyey mashruuca tijaabada ah ee hirgelinta waxbarashada xoolo dhaqatada iyo reer miyiga, kadibna laga fuliyo dhamaan gobolada dalka.
Sidoo kale wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa kulmay Phuong T Nguyen oo ah madaxa qaybta waxbarashada UNICEF ee Soomaaliya, waxaana ay ka wada arinsadeen mashaariicda UNICEF kala shaqeyso dowladda.
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa sidoo kale magaalada Nairobi kulamo kula qaatay xubno ka socda Bangiga Adduunka kuwaas oo uu hoggaaminayay Mr. John Randa ku simaha u qeybsanaha Banka Adduunka ee Soomaaliya iyo madaxda mashariicda Geoff Handley, waxaana labada dhinac ka wada hadleen fulinta mashaariicda waxbarashada.
Ugu dambeyn wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa la kulmay madax ka tirsan hay’adda VCT oo GPE da u qaabilsan dhanka gabadha Soomaaliya Ms. Josephine Lutta Kiyenje iyada oo ku sugan Washington DC, kulankan waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socda midowga yurub iyo USAID.