Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha oo Gaaray Buurhakaba

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Eelay, oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka Soomaaliya, Saadaad Caliyow, ayaa goordhow gaaray magaalada Buurhakaba, taas oo horey ay maamulka Koonfur Galbeed u diiday in ay booqdaan madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Safarkan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda federaalka ee lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa hay’adaha dowladda iyo maamulada gobollada, iyadoo sidoo kale loojeedadu tahay in la xaqiijiyo nabadgelyada, amniga, iyo horumarinta adeegyada bulshada ee magaalada iyo guud ahaan gobolka.

Waxaa la filayaa in masuuliyiintan ay kulan la qaataan odayaasha dhaqanka, maamulka deegaanka, iyo qaybaha bulshada si loo dhageysto baahiyaha dadka deegaanka loona sii xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa dowladda federaalka iyo maamulada gobollada.