Wasiirkii hore amniga soomaaliya oo War-soosaaray

Wasiirkii hore ee Amniga Xukuumadda Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ka hadlay mucaaradka cusub ee ka curtay Baarlamaanka Soomaaliya, isaga ku sifeeyey madax xadka kasii tallaabaya.

Xildhibaan Ducaale oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku sheegay in uu talooyin u soo jeedinaya saaxiibadiisa ay Siyaasadda kuwada jiraan, isaga oo kula taliyey in xilligaan muhiim tahay in ay u kala soocnaato mas’uulka xilka haya iyo Qaranimada.

Sidoo kale Wasiirka ayaa qoraalkiisa waxa uu ku sii, “Saaxiibadii hore ee Kaarka iska gubay, waxaan leeyahay; waxaa jira wax badan oo aad ku mucaaradi karto madaxda dowladda oo aan ahayn inaan caddowga umaddan isu dhiibno.”

Wasiirkii hore ee Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow  Ducaale ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey naseexo uu sheegay in uu la wadaagayo saaxiibadiisa, isaga oo yiri, “Xildhibaannada waxaan ugu naseexeynayaa inaan ku dhex shaqeynayo sharciyadda Baarlamaanka. Dowladnimada ayaa ka weyn Dan kasta oo gaar ah.”

Farriinta wasiirka ayaa ku soo aadeyso xilli ay maalmahii u dambeeyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ka dhex curtay Xildhibaanno iskood isku abaabulay oo Mucaarad ku ah Xukuumadda hadda jirta.

Hadalka Wasiirka ayaa sidoo kale ku soo aadaya xilli dhawaan uu wareysi bixiyey Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda iyo Lataliyihii hore ee Amniga Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ka dhawaajiyey in dowladda Soomaaliya aysan ku filneen dagaalka Itoobiya, iyada oo dood badani ka dhalatay Baraha Bulshada.