Wasiir Dowlahii hore ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS Xil. Asad Abdirasak Maxamed ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyay agabkii iyo hantidii Wasaaradda uu gacanta ku hayay Wasiirka Wasaaradda, Mudane: Mohamed Abdi Xayir (Maareeye)
Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Dhexe ee Wasaaradda ayaa ahayd mid muhiim ah, oo lagu mahadceliyay in uu kasoo dhalaalay shaqadii loo igamaday. Intii uu xilka haayay waxaa lagu xasuustaa aqoon, hoggaan firfircoon, dadaal joogto ah iyo ka shaqeynta horumarinta waaxaha kala duwan ee Wasaaradda, gaar ahaan dhinacyada kobcinta wax soosaarka beeraha, taageeridda beeraleyda Soomaaliyeed iyo xoojinta barnaamijyada waraabka dalka.
Muddo ku dhow afar sano oo uu Wasaaradda Wasiir dowla ka ahaa, Wasiir Asad wuxuu door muuqda ka qaatay horumarinta howlaha Wasaaradda, isagoo si karti leh ugu adeegay qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed. Intii uu xilka hayay wuxuu ka shaqeeyay dardargelinta qorshayaasha horumarinta beeraha, taasoo gacan ka geysatay xoojinta sugnaanta cuntada iyo kor u qaadista wax soosaarka gudaha.
Wareejintii agabka oo ka koobnayd gaadiid, qalab iyo dukumiintiyo muhiim ah oo Wasaaradda leedahay, kuwaas oo si nidaamsan loogu wareejiyay hoggaanka Wasaaradda si loo xaqiijiyo sii socoshada shaqooyinka muhiimka ah ee ay Wasaaraddu u hayso dalka.
Ugu dambayn, Wasiir Dowlahii hore Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Xildhibaan Asad Abdirasak, ayaa lagu xasuusan doonaa kaalintii muuqatay ee uu ka qaatay horumarinta Wasaaradda iyo sida uu uga shaqeeyay u adeegidda danaha qaranka iyo shacabka beeralaydda Soomaaliyeed.