Wasiirkii Juxaa oo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay dayacan yihiin

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaliya Cabdi Siciid Faarax (Juxaa) ayaa sheegay dadka Soomaaliyeed amni ahaan iyo Siyaasad ahaan intaba inay dayacan yihiin.

Juxaa oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa xiriirka Bulshada ee (Facebook) ayaa wuxuu ku sheegay dadka Soomaaliyeed inay yihiin kuwa daalan, dalkana Siyaasad ahaan iyo amni ahaan intuba ay dacan yihiin.

Wasiir Juxaa, ayaa tilmaamay shacabka Soomaaliyeed inay haysato kalsooni xumo siyaasadeed, islamarkaana loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed la samatabixiyo.

“Dalkani maanta sidiisaba waa nugul yahay, waana daalan yahay, dadkiisu siyaasad ahaan iyo amniba waa dacan yihiin, meel fogna waa laga yimid, dhaqaalo ahaana sabool baanu nahay, kalsoonida shacabkuna way kala daadsan tahay oo kalsooni xumo siyaasadeed ayaa jirta, dadkuna waxay u baahan yihiin isku wad iyo isu dulqaadasho oo furaha u ah in meesha la joogo horay looga sii socdo si taa loo gaaro, dalku waa in uu ahaadaa talo wadaag.” Ayuu yiri Wasiir Juxaa.

Isaga oo hadalka sii wata ayaa wuxuu sheegay Soomaaliya dhibaatada ka jirta in looga samatabixin karo dood caafimaad qabta oo ka maran daneysi gaar ah.

 

“Arrimahaas iyo kuwo kaleba si loo gaaro waxaa loo baahan yahay in dalkan uu yeesho dood, dood caafimaad oo dhab ah xasaasi ah, mararka qaarood xanuun badan, laakiin aan qofaysnayn, aan siyaasadaynayn, aan danaysanayn, balse Soomaaliyaysan, oo mustaqbalka ku wajahan, taa ayaa loo baahan yahay taas ayuu caafimaadka ku jiraa, labadaa doodood oo kala gadisan iyo afkaartaa kala gadisan dhexdooda ayaa xalka Soomaaliya ku jiraa.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Juxaa.