Wasiirkii labaad oo ka tirsan Xukuumadda Somaaliya oo iscasilay

Ibraahim Isaaq Yarow Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostadda iyo isgaarsiinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya  ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi.

Ibraahim Isaaq Yarow oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu doortay iscasilaadaasi, kadib markii sida uu sheegay uu isku soo sharaxay xilka afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya inuu u gudbiyay warqada iscasilaadiisa, islamarkaana laga aqbalay, wuxuuna rajo ka muujiyay ku soo bixista xilka Afhayeenka Golaha Shacabka.

Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah.

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u sheegay xubnaha Wasiirada ah ee isku sharaxaya xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya in laga doonaayo inay xilkaasi iska casilaan.

Ololaha doorashada xilka Afhayeenka Golaha Shacabka Soomaliya ayaa si dar dar leh waxa ay kaga socota Magaalada Muqdisho.

30 Bishan ayaa lagu madalsan yahay in la doorto Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya