Wasiiro Iyo Saraakiil Gaarey Degmada Qaxsan Dheere

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka  Koonfur galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Mahamed(Eley)  ioo ay wehliyaan  Gudoomiyaha Gobolka Baay iyo Kan Degamada Baydhabo ayaa Maanta Gaareen Degmada Qansax Dheere Ee Gobolka Baay

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Qansax Dheere  ku soo dhaweyay Maamulka Degmada iyo saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed eek u sugan Magaaladaas.

Ujeedada safarka ayaa waxaa lagu sheegay u kuur gelida  xaalada Ciidamada ku sugan Magalada Qansax Dheere iyo sidii Ciidamada ay isku diyaarin lahaayeen Howlgalo lagu Fureyo Wadooyinka iyo sidii Al-Shabaab looga saari lahaa Deegaanada ay gacanta ku haayaan .

Wasiirka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Mahamed(Eley) ayaa saraakiisha Ciidamada ku sugan Degamadaaso  Qansax dheere ku amrey  Amrey in isku diyaariyaan Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.