Wasiiro Katirsan Somaliland Oo Laga helay Caronavirus

Laba ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland ayaa  laga helay cudurka COVID-19 sidda ay xaqiijisay Wasaaradda  Caafimaadka.

Sidoo kale waxa jira wasiirro kale oo laga baaray Corona Virus balse laga waayay.

Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad, ayaa shaaciyay in laga helay cudurka Covid19.

Bartiisa Twitterka qoraal uu soo dhiggay ayuu sheegay in xaaladdiisa Caafimaad fiican tahay.

Somaliland ayaa ka mid ah meelaha uu sida weyn u sameeyay Cudurka Covid 19.