Wasiirrada Cadaaladda, Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha oo ka qeyb galay shir lagu xoojinayo hay’adaha amniga iyo cadaaladda.

Wasiirrada Cadaaladda, Gaashaandhigga, iyo Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeyb galay shir muhiim ah oo lagu falanqeynayey xoojinta hay’adaha amniga iyo cadaaladda dalka.

Shirka waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda SJGAP, waxaana goobta isugu yimid mas’uuliyiin sare oo ka kala socday hay’adaha amniga iyo garsoorka, si ay uga wada hadlaan sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga u dhexeeya labada dhinac.

Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga dooday doorka hay’adaha amniga iyo kuwa garsoorka ee sugidda nabadda iyo xaqiijinta cadaaladda waarta ee Soomaaliya. Waxaa sidoo kale la isla gartay in la xoojiyo qorshayaasha wada shaqeyn ee u dhexeeya wasaaradaha iyo hay’adaha la xiriira.

Mas’uuliyiinta ka qeyb gashay ayaa soo jeediyay talooyin iyo qorshayaal lagu horumarinayo nidaamka amniga iyo garsoorka, iyagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn joogto ah oo ka dhaxeysa hay’adaha amniga iyo kuwa cadaaladda si loo gaaro Soomaaliya nabdoon oo cadaalad ku dhisan.