Wasiirrada cusub ee DF oo maanta la dhaariyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay maanta yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa dhaarinta wasiiradda dhawaan uu soo magacaabay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa dhaariyay garsoore Saalax Sheekh Ibrahim oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la dardaarmay wasiiradda cusub ayaa xusay in xilkooda u gutaan si mas’uuliyad ku jirto uguna adeegaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wareegtadaas ayaa sidoo kale waxaa markaas lagu soo dhammeystiray wasaarado waa wayn oo in muddo ah bannaana, sida wasaaradda arrimaha dibadda iyo tan amniga gudaha.

Si kastaba, magacaabista xubnahan ayaa timid xilli ay Villa Soomaaliya ku guuleysatay wax ka beddelka dastuurka, ayna sidoo kale taagan tahay xiisad u dhaxeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.