Wasiiru dowladaha Wasaaradda arrimaha Gudaha Oo booqday Xaruntii lagu qaban lahaa Shirka dib u heshiisiinta Galmudug

Sida uu horay u shaaciyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre magalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa dhawaan waxaa la filayaa in uu ka furmo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, iyada oo la diyaariyay xaruntii lagu qaban lahaa.

In kastoo dadka reer Galmudug qaar ay diidan yihiin in shirkaasi Dhuusamareeb lagu qabto ayaa hadana waxaa Xarunta loogu talo galay shirka booqday Wasiiru dowladaha Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Faarax wehliye.

Waxaan kormeeray xarunta Shiirkole oo ah goobta loo diyaariyey in lagu qabto shirka Dib-U-Hshiisiinta bulshada reer Galmudug ee ka furmi doona Dhuusamareeb. Waxaa ka socda diyaar garow balaaran oo dhinacyo badan leh,Maamulka Galmudug iyo ganacsatadii diyaarisay waxaan leeyahay waajib qaran ayaad gudateen ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Faarax wehliye.