Wasiiru Dowlaha Cadaaladda Oo Soo Xiray Tababarka Tababarayaasha Ee Qaybaha Cadaaladda iyo Caafimaadka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa maanta soo xiray munaasabad lagu guddoonsiinayay shahaadooyin howl-wadeenno dhammaystay Barnaamijka Tababarka Tababarayaasha (Training of Trainers – ToT) ee qaybaha Cadaaladda iyo Caafimaadka.

Tababarkan oo ah wejiga koowaad ee mashruuca PAIS-FUS (Public Administration Italy–Somalia Project), ayaa loo qabtay howl-wadeenno ka tirsan hay’adaha dowladda, si kor loogu qaado aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha dowladda, loona xoojiyo tayada adeegyada ay bixiyaan hay’adaha dowladdu.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin sare oo ka socday hay’adaha dowladda, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo wakiillo ka socday Dowladda Talyaaniga.

Wasiiru Dowlaha ayaa sheegay in tababarayaashu ay door muhiim ah ka qaadan doonaan gudbinta aqoonta iyo horumarinta awoodda hay’adaha dowladda, isagoo xusay in dhismaha hay’ado dowladeed oo casri ah lagu gaari karo shaqaale leh aqoon iyo xirfad sare.

Sidoo kale, wuxuu uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga iyo dhammaan hay’adaha iskaashiga la leh mashruuca PAIS-FUS taageerada ay ka geysteen horumarinta iyo xoojinta awoodda hay’adaha dowladda Soomaaliya.