Kulankaan uu shir guddoominayey Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada Galmudug, waxaana ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Galmudug, Mudane Abdinasir Osman.
Mudane Abdinasir ayaa kulankaasi Golaha Wasiirrada uga warbixiyay xaaladda garsoorka ee gobolka Galmudug, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay horumarinta nidaamka caddaaladda si bulshada gobolka ay u helaan adeegyo garsoor oo hufan, cadaalad ah, oo si siman loo wada helo.
Wasiirka ayaa faahfaahin ka bixiyay dadaallada wasaaraddu ku bixisay tayeynta hay’adaha garsoorka, waxaana uu sheegay in la diyaariyay qorshayaal cusub oo lagu xoojinayo adeegyada caddaaladda. Wuxuu si gaar ah u xusay muhiimadda la siinayo ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada ay abaartu saameysay.
Intaa waxaa dheer, Wasiir Abdinasir ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya hay’adaha garsoorka, si adeegyada sharciyeed loogu gaarsiiyo dadka ku nool meelaha ay ka jiraan dhibaatooyinka amni iyo dhaqaale. Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in la sameeyo olole wacyigelin ballaaran oo ku saabsan xuquuqda sharciga ah ee muwaadiniinta.
Shirkan ayaa ahaa mid muhiim u ah Golaha Wasiirrada, maadaama uu fursad u siiyay in ay si buuxda ula socdaan xaaladda garsoorka ee Galmudug, iyo horumarka laga sameeyay sidii loo sugi lahaa cadaaladda, hufnaanta iyo kalsoonida bulshada ee nidaamka sharciga.
Ugu dambeyntii, Wasiir Abdinasir ayaa ku booriyay dhammaan hay’adaha dowladda iyo bulshada inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta nidaamka garsoorka, si loo gaaro himilada ah in garsoorku noqdo mid si siman loogu helo dhammaan deegaannada Galmudug, iyadoo la ilaalinayo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta.