Wax Garad kulan ku yeeshay Gaalkacyo kana hadlaya Shaqaaqooyinkii kadhacay Magaaldasi

Laba Guddi ee ka kala socda Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Maanta kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Magaaladaasi.

Odayaasha ayaa Labada guddi uga tacsiyeeyay Dadkii lagu laayay Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb, iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin Beelihii ay ka dhasheen Dadkii la laayay ay kala fariistaan dhibaatadii dhacday.

Odayaasha Gaalkacyo ayaa Guddiyada u sheegay in lagu raad joogo dambiilayaashii falkaas geystay,  lana soo qaban doono falkii ay geysteen ciqaabtiisana ay marin doonaan.

Sidoo kale waxa ay ballan qaadeen in dhibaatadii dhacday aysan dib dambe usoo laaban doonin, si nabad gelyo ahna loo wada noolaanaayo wixii hadda ka dambeeya.

Guddiyo ka kala socda Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Koofur galbeed ayaa Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Gaalkacyo ka waday kulammo ay la yeelanayaan maamulka, Odayaasha, wax garadka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada halkaasi ku dhaqan.