Xaaladda ayaa haatan degan kadib dagaal shalay ka dhacay deegaano ku dhow Laandheer iyo Miir Cali Dhuko, ee waqooyiga gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed oo walaalo.
Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, dagaalkii shalay dhacay ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hase yeeshee ma jirto cid dhinacyada ka mid ah oo horumar ka gaartay, marka laga reebo khasaaraha nafeed ee soo kala gaaray Beelahaasi walaalalaha ah.
Dadka dhaawaca ah ayaa loo kala qaaday magaalooyinka Xeraale iyo Caabudwaaq, iyadoo ay jiraan dhaawacyo kale oo loo gudbiyay dhanka Cadaado, si loo helo daryeel caafimaad oo dheeraad ah.
Dirirtan ayaa xiriir la leh dagaallo hore oo isla deegaannadaas ka dhacay, kuwaas oo marar kala duwan la isku dayay in lagu dhammeeyo wada-hadal, iyada oo labada beelood lagu boorriyay in miiska wada-hadallada la isugu keeno. Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda ma muuqato in dadaalladaas ay hirgaleen.
Colaaddan ayaa la sheegay in asalkeedu ka dhashay khilaaf la xiriira deegaan iyo dilal hore oo dhacay, iyadoo aan la helin cid si rasmi ah u kala dhexgashay dagaalkii socday ilaa shalay.
Inkasta oo dagaalkii ugu xooganaa uu socday ilaa gelinkii dambe ee shalay, haddana xaaladdu hadda waa degan, waxaana weli is-horfadhiya labada maleeshiyo beeleed, iyadoo cabsi laga qabo in dagaalku mar kale dib u qarxo.
