Waxaa xal laga gaaray shaqaaqo deegaanka madaraso Sheekh Maxamed ee gobolka Galgaduud ku dhex martay dadka degaanka taaso ay ka dhalatay ceel biyood degaanka laga qodayay.
Odayaasha dhaqanka, dadka degaanka maamulada Dhuusamareeb, Guriceel iyo Xarardheere ciidanka qeybihiisa kala duwan oo isku taagay xalinta dhacdadaas ayaa goob joog ahay Gogol ka dhacday halkii isku dhaca uu ka dhacay, waxaana dadka degaanka oo hadlay ay isku raceen in ay ka xun yihiin arintii degaanka ka dhacday.
Nabadoonada Liibaan Sheekh Maxamed iyo Suldaan Xasan Ciida Gale oo hadlay ayaa sheegay in ay kulamo dhowr ah kadib ay walaalihii shaqaaqadu dhex martay ay ka heshiyeen wixii dhacay.
Xoghayaasha Dhuusamareeb iyo Xarardheere Cabdisalaam Caabi Aadan iyo Maslax Macalin Cilmi ayaa ugu baaqay dadka degaanka in ay nabada xoojiyaan.
Xildhibaan Mursal Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa dhankisa ka hadlay arintii dhacday iyo xalka la gaaray.
Gudoomiyaha degmada Guriceel Faarax Cabdi Macalin ayaa sheegay in maamulka uu isku tagay xalinta dhacdada dhex martay dadka degaanka.