Sawiro:- Waxaa Maalintii labaad galay shirka dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah cayr iyo mariixaan kaasi oo shalay ka furmay deegaanka xersi lugey ee hoostaga degmada Balanballe ee waqooyiga gobalka Galgaduud.
shirkaan oo ay garwadeen ka tahay wasaarada arimaha gudaha iyo dib u heshiisiin Galmudug,
Waxaa ka qeyb galey maanta agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-U-heshiisiinta Galmudug Mudane Cumar Cabdi Maxamed, guddoomiyaha gobolka galgaduud Cilmi Cali Cabdi, guddoomiyaha Degmada Balanballe Iraad Cabdi Xaashi, xoghayaha degmada Balanballe Dr Ahmed osman Abdulle, gudoomiye ku xigeenka degmada Guriceel ahna kusimaha gudoomiyaha degmada Dr Shaafici Jaamac Cabdi, Xildhibaano ka tirsan Dowlad goboleedka Galmudug,
qaar ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee degmooyinka Balanbal iyo Guriceel, Odayaasha dhaqanka labada Beelood iyo marti sharaf kale duwan oo lagu Casuumay shirka.
