Waxaa saansaan colaadeed laga dareemayaa duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ka dib markii ay soo gaareen Ciidamo aad u farabadan oo doonaya inay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Maamulka Somaliland ee ka socda duleedka Magaaladaas.
Ciidamada oo sida la sheegay ay wataan Gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa, isla markaasina u abaabulan hab Beeleed ayey Dadka deegaanka cadeeyeen in ay doonayaan ka qeyb noqoshada dagaalka ka socda duleedka Magaalada Laas-Caanood.
Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay inay garab istaag u muujiyaan Shacabka Gobolada, Sool , Sanaag iyo Ceyn, sigaar ah Shacabka Magaalada Laas-Caanood oo iska difaacaya Ciidamada Somaliland.
In kastoo maalmihii lasoo dhaafay xaalada Magaalada Laas-Caanood iyo degaannada ku dhow dhow ay tahay mid degan ayaa hadana waxaa laga cabsi qabaa inay dhinacyadu markale dagaalamaan maadaama ay weli isku hor-fadhiyaan Goobihii lagu dagaalamay.