DHAGEYSO:Waxgarad dhaliilay howlgallada Shabeellaha Hoose ay kawadaan ciidamada dowlada

 

 

Xilli Mudooyinkii ugu dambeeyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo ay ka waddeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa arintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay qaar ka mid ah waxgaradka degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Waxgaradka ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay la wareegeen degaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, islamarkaana ay soo dhaweeyeen dadkii kunoolaa degaanadaasi , balse Ciidamada dowladda ay haddana ay ka baxeen deganaadaasi, islamarkaana ay Shabaab ka qabsadeen Mar kale.

Suldaan Cali Shariif oo ka mid ah Waxgaradka degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dadka Shacabka aysan u rooneyn howlgallada ay waddaan ciidamada.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in ciidamada dowladda degaanada ay ka qabsadaan Shabaab in ay ka sameystaan Saldhigyo, islamarkaana ay difaacaan dadkii Shacabka ahaa ee soo dhaweeyay.

Hadalka kasoo baxay Naddoonka ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya ay waddeen howlgallo lagu dagaallamaayo dagaalyahanada Al-Shabaab.

hoos kadhegeyso codka

 

Audio Player