Waxgaradka magalooyinka dhuusmareeb iyo cabduwaaq ayaa dowlada federalka ka dalbadeyn siideynta maxaabiis ku eedeysan dilal ku saleysan aano qabaail ka dib kulan ay kuvgeesheen deegaanka xanabuure ee gobolka galgaduud

Waxgaradka kasoo kala jeeda magalooyinka dhuusmareeb iyo cabduwaaq oo kulan ku yeeshay deegaanka xanabuure ee gobolka galgaduud ayaa hishiis looga gaaray dilal ku saleysan aanooyin qabiil kuwaas oo in muda ah u dhaxeyey qabaailka deegaanka waxayna dowlada federalka iyo Galmudug ay ka dalbadeen siideynta askar iyo saraakiil ku eedeysan falalkaasi waxay sheegeen in waxgaradka qabaailka ay arinkaasi ka hishiyeen isla markaasna ay dalbanayaan Sindeynta maxaabiis dhowr ah kuwaas oo u xiran dowlada federalka somaali.

heshiiskaa ayaa ah Magta Allaha u Naxariisto Faarax Aw-jaamac Aadan oo ku dhintay Gacanta Nuune C/laahi Maxamed Xeyle oo ay iskala tirsanaayeen Ciidanka Danab waxa ayna kala qaateen Magta Marxuumka.

Heshiiskan waxaa Goobjoog ka ahaa Maamulada Dhusamareb iyo Caabud-waaq iyo Talisyada Booliiska Labada Magaalo waxaana kala Qortay Heshiiska Dhinacyadu gaareen.
Odayaasha Dhaqanka Labada Beelood ayaa ka Codsaday Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida iyo Maamulka Galmudug in Heshiiskooda ay Tixgaliyaan ayna ka Xaaltameen Dhacdasaas ayna ka rabaan in Ninka Dilku Gaystay loo sii daayo.