Waxyaabihii uu qabtay R.W Dr Abiy Axmed 100 maalmood ee uu xilka hayay

Isbadalo waaweyn ayaa ka socda dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka la wareegay Ra’isulwasaare Abiy Axmed 100 maalmood ka hor.

Haddaba waxa aan halkan idinkula wadaagaynaa waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomay Ra’isulwasaaraha iyo tallaabooyinkii uu qaada

2 Abriil 2018,

Abiy Axmed waxaa loo dhaariyey ra'iisul wasaaraha Itoobiya

Abiy Axmed wuxuu hor yimid baarlamaanka, waxaana loo dhaariyey inuu noqdo ra’iisul wasaaraha jamhuuriyadda dimoqaraadiga ee federaalka Itoobiya, todobaad ka dib markii loo doortay guddoomiyenimada xisbul-xaakimlka EPRDF. Khudbadiisii ugu horreysay ee 36ka daqiiqo socotay ayuu ku codsaday midnimo, wuxuuna tilmaamay isbeddello uu qaadi doono.

  • 28 Abriil 2018,
    Ra'iisul wasaaraha oo Sidama ku salaamaya duqeyda Hawassa

    In yar ka dib markii uu xilka qabtay wuxuu bilaabay inuu socdaal ku maro dawlad goboleedyada, wuxuuna kala hadlay bulshadaarrimaha ayaga khuseeya. Isagoo Hawssa kula hadlayey dadweynaha SNNPR, wuxuu carrabka ku dhuftay in ra’iisul wasaare laga ogolaan karo oo kaliya inuu laba xilli xafiiska joogo, taasoo ah 10 sano.

  • 18 Maajo 2018,
    Abiy Axmed (Midig) oo gacan qaadaya Andargachew Tsige (bidix).

    Andargachew Tsige oo ah hogaamiye mucaarad ah oo haysta dhalashada Britain, kaasoo dil lagu xukumay ayaa la sii daayey. waxaa lagu helay argagixisonimo, waxaana la xukumay isagoo maqan sannadkii 2009,lugtii uu ku lahaa kooxda mucaaradka ee Ginbot 7. Waxaa lagu martiqaaday maalintii xigtay qasriga madaxtooyada, wuxuuna la kulmay ra’iisul wasaaraha.

  • 2018,
    Amiir Maxamed BinSalmaan (Bidix) Ra'iisul wasaare Abiy Axmed (Midig)

    Socdaalkiisi rasmiga ahaa ee uu ku tago meel Afrika ka baxsan ayuu ku tegey Sacuudiga, halkaasoo uu joogay laba maalmood. wuxuuna kala hadlay arrimo gobolka iyo caalamkaba khuseeya amiirka dhaxalka leh, Maxamed Bin Salmaan. In ka badan 1000 Itoobiyaan ah ayaa la sii daayey safarkiisa ka dib.

    4 Juun 2018,
    Mudaaharaadyo dhacay xilligii munaasabadda Irecha.

    Baarlamaanka Itoobiya ayaa qaaday xaaladdii degdegta ahayd. dowladda waxa ay sheegtay in sharcigii iyo kala dambeyntii lasoo celiyay.

  • 43257 2018,
    Xubnaha golaha fulinta EPRDF oo shir ku jira

    Isbahaysiga talada haya ayaa sheegay in ay furayaan in ay shisheeyaha maalgashan karaan shirkadda isgaarsiinta iyo diyaaradaha,taas oo ahayd isbadal weyn oo siyaasadeed. EPRDF ayaa sheegtay in ay isbadal ku samaynayo dhaqaalaha dalkaas.

  • 7 June 2018,
    Taliyihii hore ee militariga, Samora Yenus

    Abiy Axmed ayaa taliyaha ciidamada xoogga dalka Itoobiya u magacaabay Seare Mekonen, kaas oo badalay Samora Yenos. Waxa uu sidoo kale taliyaha nabad sugidda u magacaabay Adem Maxamed, kaas oo badalay Getachew Assefa.

  • 9 June 2018,
    Ra'isulwasaare Abiy Axmed (Bidix) Madaxweyne Museveni (Midig)

    Abiy waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinta ugu muhiimsan Afrika ee Pearl of Africa, taas oo ay siisay dowladda Uganda. Maalinkii xigay waxa uu u safray Masar, si uu ula kulmi Al Sisi, kadibna Itoobiya ayuu ku laabtay isaga oo diyaaradiisa ku qaaday maxaabiis Itoobiyaan ah, waxaa ka mid ahaa saraakiil ka tirsan OLF.

  • 18 June 2018,
    Sawir farshaxan ah oo muujinaya nin labo dible loo xiray

    Abiy ayaa sameeyay qiraal la yaab leh kadib markii uu sheegay in ay dowladda jirdisho maxaabiista, taas oo uu ku sheegay mid kheyru dastuur ah. Waxa uu ku tilmaamay fal argagixisonimo in dadka si sharci daro ah xoog loogu maquuniyo.

  • 23 June 2018,
    Shaqaalaha Laanqeerta Cas oo caawinaya dadkii dhibka gaaray.

    Bam qarxay ayaa dilay 2 qof, waxa lagu tuurey isu soo bax uu Ra’isulwasaaraha joogay magaalada Addis Ababa. Dr Abiy waxa uu sheegay in ujeedku ahaa in lagu haleeyo burburiyo farxadeed ee dadka.

  • 26 June 2018,
    Abiy oo soo dhaweynaya waftiga Eritrea

    Wafti heersare ah oo ka socda Eritrea ayaa gaaray magaalada Addis Ababa waxaana soo dhaweeyay Dr Abiy Axmed. Labada dal ayaa waxaa dhex tiilay colaad qaraar muddo 20 sano ah.

  • 5 July 2018,
    Calamadii mamnuuca ahaa ayaa hadda ka babanaya fagaaraha caasimadda.

    Baarlamaanka Itoobiya ayaa meel mariyay qaraar jabhadaha OLF iyo ONLF iyo Ginbot 7 looga saarayo diiwaanka argagixisada.

  • 8 July 2018,
    Madaxweyne Isaias Afeworki (Midig) Ra'isulwasaare Abiy Axmed (Bidix)

    Ra’isulwasaare Abiy Axmed ayaa u safray Casmara, Eritrea, waxaana aad usoo dhaweeyay madaxweynaha Eritrea Isaias Aferworki iyo kumanaan reer Eritrea ah. Waa booqashadii koowaad muddo 20 sano ah, waxayna qeyb ka tahay biloowga bog cusub oo nabadeed.

    Xigasho BBC.