Webiga Jubba Oo fatahad Sameeyay

Wabiga Jubba ee mara degaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu fatahaad ka sameeyay deegaanka Buulo-gaduud oo qiyaastii 30-km dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Fatahaada ayaa dadka deegaanka waxaa ay sheegeen in uu baabi’iyay dhul beereed aad u ballaaran oo ku yaallay jiinka webiga,sidoo kalena ay barakaceen dad deganaa meelo kamid ah degaanka

Mid kamid ah dadka degaanka Buulo-gaduud oo lagu Magacaabo Maxamed Faarax ayaa sheegay in Fatahaada Wabiga uu qaadday dalagyadii ay sugayeen oo ay beerteen, isagoo dowlad goboleedka Jubbaland iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha beeraha ugu baaqay in ay gurmad usoo fidiyaan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha deegaanka Buulo-gaduud ayaa sheegay inay wadaan dadaalo lagu xirayo goobaha uu webiga kasoo fatahay,isaga oo ugu baaqay madaxda dowlad goboleedka Jubbaland in arrintaasi gacan lagu siiyo.

Horay ayaa Wabiga Jubba waxaa uu fatahaad ka sameeyay degaano ka tirsan Gobolka Gedo oo ay kamid tahay degmada Baardheere,isla markaana gurmad kala duwan loo sameeyay.