Weerar Bambaano Oo Caawa Kadhacay Magaalada Muqdisho

Warar nasoo gaaray ayaa Caawa wax ay sheegayaan in Guriga guddoomiyihii hore ee degmada Howl-Wadaag Maxamed Abuukar Jacfar Bamabanooyin lagu weeraray.

Rag la sheegay in ay hubeysnaayeen ayaa dad ka agdhow Hoyga Jacfar wax ay sheegeen in ay ilaa laba Bambaano ku tureen Guriga,isla markaana ay durba goobta ka baxsadee.

Weerarka bambaano ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in in ay ku dhaawacmeen laba askari oo ku sugnaa guriga guddoomiyihii hore ee degmada howlwadaag.

Sidoo kale Maxamed Abuukar Jacfar oo dhanka kale ah taliyaha Ciidanka xasilinta ayaa la sheegay in xilliga hoygiisa bambaanooyinka lagu weerarayay uu ka maqnaa.

Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya una dhow hoyga Maxamed Abuukar Jacfar ayaa usoo gurmaday kuwaas oo qaaday dhaawaca labada askari oo ka tirsanaa ilaalada taliyaha ciidanka xasilinta.