Weerar Culus oo lagu qaaday goobo al-shabaab ku sugnaayeen.

Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn culus oo maanta ka dhacday deegaan hoostaga gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Yaaq-dabeel ee gobolkaasi.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha la duqeeyay ay abaabul xoogan iyo uruusi ka wadeen halkaasi, kadibna sidaas lagu duqeeyay.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in goobta lagu dilay laba ka tirsanaa kooxda, kadibna la burburiyay dhagar ay sheegtay inay soo maleegayeen.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo xalay ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan duleedka deegaanka Janaale, kaas oo lagu beegsaday maxkamad ay kooxda ku lahayd halkaasi.

Goobtaas waxaa lagu dilay 7 kamid ahaa maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Weeraradan ayaa qayb ka ah gulufka ay waddo dowladda dhexe ee lagu doonayo in lagu soo afjaro kooxda Al-Shabaab oo weli ku sugan qaybo kamid ah dalka.