Weerar iyo Duqeymo lagu qaaday degaanka Bariire

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Weerar iyo duqeymo xalay lagu qaaday degaanka Barriire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Sidda gaarka ah u tababar ayaa howlgal qorsheysan ku qaaday Saldhig Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaankaasi, waxaana sidoo kale daqiiqado ka dib weerar ku duqeymo ku bilowday ku qaaday diyaaraddo dagaal.

Dagaalka waxaa ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta gobolka Shabeellaha Hoose.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaasi lagu dilay xubno ka mid ah Al-Shabaab, kuwo noolna gacanta ay ku dhigeen Ciidanka dowladda.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in la burburiyay xarun qaraxyo ay ku diyaarinaayeen Al-Shabaab oo halkaasi ku taalla.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaan xalay ka dhacday degaanka Barriire iyo Sheegashadda maamulka gobolka Shabeellaha Hoose.