Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay kooxo burcad ah ka gaysteen gudaha degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu beegsaday dad shacab ah.
Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Iga-dabagey ee degmadaasi, waxaana lagu beegsaday dukaan ku yaallo halkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Burcadda ayaa gudaha u gashay dukaanka, waxayna dhac baahsan uu gaysteen dukaanka, iyaga oo dhaawacay wiil iyo aabihiis oo xilligaas ku sugnaa.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in burcadda falkan gaysatay ay goobta isaga baxsatay, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi.
Weerarkan ayaa u ek kuwa lagu hayo Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika oo inta badan dhac iyo dil kala kulmo kooxo burcad ah oo ku sugan gudaha dalkaasi.