Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar bambaano oo geystay khasaaro,kaas oo xalay lagu qaadey Hoteel ku yaalla Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.
Weerarka oo dhacay xalay fiidkii ayaa waxaa lagu qaadey hotelka Saffa oo kamid ah Hoteelada ugu waaweyn Magaalada Jwhar,kaas oo ay isugu tagaan dad ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.
Dad ku sugan Magaalada Jowhar ayaa warbaahinta waxaa ay u sheegeen in weerarkaasi bambaano uu ku dhaawacmey Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Maaliyadda Maamulka degmada Jowhar Ismaaciil Warsame Faarax,hayeeshee uusna jirin khasaaro kale oo ka dhashay.
Waa qarixii labaad oo muddo bil gudaheed ah ka dhaca Magaalada Jowhar,waxaana Afartii Bishaan qarax miino oo ka dhacay meel ay dadka isugu yimaadaan oo ku taalla agagaarka Busteejada gaadiidka soo aada Muqdisho ku geeriyoodey hal Ruux halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo uu ku jiro Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle.
Wararkii ugu dambeeyey ee saaka ana ka heleyno Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay sheegayana in Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle ay wadaan howlgal ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey weerarka bambaano.