Weerar kadhacay duleedka Degmada Balcad

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab duleedka degmada Balcad ku weerareen gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya.

Ciidamaas oo ka yimid dhinaca Magalda Jowhar ayaa waxaa lagu weeraray Agagaarka Ilbaq oo u dhow Tuulada Gololeey ee degmada Balcad.

Dad ku sugan balcad ayaa u sheegay warbaahinta in Saddex Gaari oo isugu jira laba HOMEY iyo Gaari Saruf ah ay wateen ciidamada dowladda,isla markaana Gaariga ugu horeeyay uu ahaa Sarufta Miino ay la qaarxday,sidoo kalen labada Homey mid ka mid ah lagu dhuftay Qoriga baasuukaha ah.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay weerarkaas,waxaana degmada Balcad soo gaaray mid ka mid ah labadii Homey ee duleedka Balcad lagu weeraray.

Deegaanka Ilbiq ayaa u dhow Tuulada Gololeey,waxaana dhowr mar lagu weeraray Ciidamo ka tirsan dowladda iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle oo qaarkood lagu dilay.