weerar kadhacay masaajid ku yaal dalka Koonfur Afrika

Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in nin Soomaali ah Weerar loo adeegsaday Mindi uu ku qaaday Maasjid ku yaalla Magaalada Cape Town.

Inta la xaqiijiyay  Weerarkaasi waxaa ku dhimatay labo ruux, waxaana sidoo kale uu dhaawac soo gaaray Saddex kale.

Sidda ay xaqiijiyeen ciidamada booliska falkaan ayaa dhacay wax yar kaddib salaadii Tahjudka, waxaana ninka geystay falkan la sheegay inuu ahaa nin madaxa looga jiray ama qaba xanuunka dhimirka.

Ninka Soomaaliga ayaa la sheegay in uu muddo kunoolaa dalkaasi, islamarkaana mar uu ka mid ahaan jiray Ganacsatadda Soomaaliyeed ee halkaasi kunool.

Ciidamada Booliska ayaa markii dambe toogtay ninka ku hubeysnaa tooreyda, kaddib markii uu isku dayay inuu soo weeraro.