fbpx
Home Wararka Maanta Weerar kadhacay Muqdisho

Weerar kadhacay Muqdisho

 Hay’adaha ammaanka qaabilsan ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen in rag hubeysan afaafka hore ee shirkadda Amal oo ku taalla suuqa Bakaaraha ay ku dhaawaceen C/qaadir Al Waasac oo ka mid ah masuuliyiinta shirkaddaasi.

Ilo wareedyo ayaa waxa ay inoo sheegeen inay arkeen laba dhalinyaro oo rasaas la dhacday C/qaadir xilli uu ka soo baxay xarunta, kadibna halkaasi laga qaaday isaga oo dhaawaciisa uu culus yahay, lana geeyay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Ragga weerarkan geystay oo laba dhalinyaro ahaa sida dadka degaanka ay sheegeen ayaa goobta ka baxsaday, waxaanana ilaa hadda aanan la ogeyn cida ay ka tirsan yihiin iyo sababta ninkan ay u beegsadeen.

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa deg deg ku tagay goobta uu weerarka ka dhacay, lama soo shegin cid ay u soo qabteen weerarkan iyo baaritaanada ay sameeyeen waxa ay ku ogaadeen.

Masuuliyiinta shirkadda Amal oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay sheegeen ilaa hadda inaanay garaneyn sababta loo beegsaday C/qaadir balse ay dib warbaahinta uga faah faahin doonaan sida ay wax u dhaceen.

15-kii bishan ayay aheyd markii xilli habeen ah qarax gaari gacan loo adeegsaday lagu weeraray meel ku dhaw shirkadda Amal ee suuqa Bakaaraha, kaasi oo aanay jirin cid sheegatay masuuliyadiisa.