Weerar lagu qaaday Dakadaha Baxrain, Oman & Ciraaq.

Bariga-dhexe Bad iyo Beriba waa gubanayaa:-
Dowlada Bahrain ayaa sheegtay in weerar lagu qaaday haamaha iyo kaydadka shidaalka ee gobolka Muharraq Governorate, iyadoo mas’uuliyiintu sheegeen in ciidamada gurmadka iyo ammaanka ay hadda ku howlan yihiin xakameynta xaaladda iyo baaritaanka weerarka. Dowladda Bahrain ayaa weerarkaasi ku eedeysay Iran.
Dhanka kale, Ir*an ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn Weeraraka lagu qaaday dekedda Salalah ee dalka Oman, iyadoo sheegtay in ay ixtiraamayso amniga iyo madaxbannaanida Oman.
Isla waqtigaas, ciidamada Iraq ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay, halka 38 shaqaale ah la badbaadiyay kadib weerar lagu qaaday laba markab oo shidaal ah oo ku sugnaa dekedda Port of Al-Faw ee koonfurta dalka. Afhayeenka militariga Iraq Saad Maan ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa fal burburin ula kac ah oo ka dhacay gudaha biyaha dhuleed ee dalka.