Isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ee dagaalka kula jira fallaagada Xuutiyiinta ayaa sheegay in kooxda Yemen ay weerar ku soo qaadeen garoonka diyaaradaha Abha, taasoo sababtay dab ka kacay diyaarad rayid ah.
“Weerar argagixiso oo fuleynimo ah oo maleeshiyada Xuuthiyiinta ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha caalamiga ee Abha ayaa sababay in uu dab qabsaday diyaarad dhex taallay Garoonka,” Telefishanka ay maamusho dowladda Sacuudiga ee Al-Ekhbariya ayaa soo xigtay isbaheysiga.
Xuutiyiinta ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka waxyar kadib, afhayeenka milatariga Yehia Sareai wuxuu sheegay in fallaagada ay adeegsadeen afar diyaaradood oo ay ku rakiban yihiin bambaanooyin si ay u bartilmaameedsadaan garoonka diyaaradaha ee koonfurta Sacuudi Carabiya.
Bartilmaameedka wuxuu imaanayaa iyadoo laga jawaabayo duqeymaha cirka ee sii socda iyo go’doominta arxan darada ah ee lagu hayo dalkeenna, “Sareai ayaa yiri, isagoo xusay in Xuutiyiinta ay u arkaan garoonka diyaaradaha mid milatari oo aysan bartilmaameed u ahayn rayidka.