Weerar loo adeegsaday Bambo Gacmeed ayaa xalay lagu qaaday Guriga Magaalada Muqdisho uu ka degan yahay Gudoomiyaha degmada Dayniile Jacfar oo ku yaalla degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.
Saddex ruux oo labo ka mid ah ay yihiin Ilaaladda Gudoomiyaha ayaa ku dhaawacmay weerarka sidda Warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka.
Waxaa sidoo kale rasaas ay fureen Ciidanka Gudoomiyaha ku geeriyootay Haweenay sidatay Cunug yar oo saarneyd Mooto Bajaaj.
Cunugii yaraa ee ay sidday Haweenayda ayaa baqba, waxaana la sheegay in haweenayda qeybaha sare ee jirkeeda ay ka dhaceen dhowr Xabadooda markii Isbitaalka la geeyana ay halkaasi ku dhimatay.
Ciidanka ammaanka ayaa tagay goobta uu weerarka dhacay, waxayna saraakiishu sheegeen in lagu daba jiro Dableydii weerarka geysatay oo loo badinayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.
Guriga Gudoomiyaha degmada Dayniile ayaa dhowr jeer siddaan oo kale, waxaa lagu qaaday weeraro loo adeegsaday Bambo gacmeed, waxaana waxyeelo ay soo gaartay dad Shacab ah.