Weerar lagu Qaaday Saldhig Uu Mareykanku Ku leeyahay Somaaliya

Wararka ay warbaahintu  ka heleyso gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weerar madaafiic loo adeegsaday lagu qaaday saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Soomaaliya oo ah Garoonka Balidoogle.

Warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in madaafiic hoobiyeyaal ah lagu weeraray saldhigga Balli-doogle.

al-Shabaab ayaa sheegay in saldhigga Balli-doogle ay ka kacaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykan ee xasuuqa ka geysta koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, sida ay sheegtay.

Masuuliyiinta Gobolka Shabeellaha Hoose oo aynu la hadalnay, ayaa ka gaabsaday in ay wax faahfaahin ah ka bixiyaan weerarkan maanta oo Jimco ah ay al Shabab ku qaadeen saldhiga Ballidoogle.

Saldhigga Balli-doogle ayaa qeybna waxaa lagu tababaraa Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya, qeybna waxaa saldhig ku leh Ciidamada Mareykanka, waxaa saldhiggaas ka kaca diyaaradaha qumaatiga iyo kuwa aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaano.

Sanadkii hore Mareykanka ayaa ballaariyay saldhigga Balli-doogle, halkaasoo ay ku sugan yihiin boqolaal askari ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka.