Weerar Lagu Qaaday Saldhiga Booliska Garoowe

Israsaaseynta ayaa timid kadib markii saakay ay Saldhiga Booliska Magalada Garoowe weerareen maleeshiyaad hubeysan,kuwaas oo horay uga tirsanaan jiray Ciidamada Booliska Puntland.

Taliyaha Booliska qeybta Gobolka Nugaal Faarax Galan-gooli oo Warbaahinta kula hadlay Magalada Garoowe ayaa waxa uu sheegay in Saldhigga ay soo weerareen Saraakiil iyo askar booliska ka tirsaneyd balse horay Shaqada looga ruqseeyey.

Taliye Faarax Galan-gooli faah faahin intaasi dheeraad ah kama sii bixin khasaaraha kale ee israsaaseynta ka dhacday saldhiga Dhexe ee Magalada Garoowe ka dhashay,wallow dad ku sugan Garoowe ay sheegeen inay jiraan khasaarooyin kale.

Barqanimadii Maanta ayaa waxaa Magalada Garoowe laga maqlay rasaas xooggan oo ay isku ridayeen Ciidamada booliska eek u sugan Saldhiga Dhexe ee Magalada Garoowe iyo Ciidamo uu wato Sarkaal horay uga tirsanaa Ciidamada Booliska Puntland balse laga ruqseeyey.