weeraray Kadhacay Gaalkacyo iyo howlgallo ka socda

Nin hubeysan ayaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku weeraray Labo Dumar ah oo ku sugnaa Xaafadda Garsoor.

Sidda ay warbaahinta  u xaqiijiyeen dadka degaanka Mid ka mid ah Dumarka ayaa geeriyootay, sidoo kale mid kale ayaa dhaawac Culus oo soo gaaray.

Ninka ayaa la sheegay in xabado ku furay Haweenka oo ku sugnaa goob Dukaan ah ka dibna uu Baxsaday.

Ciidamada Booliska ayaa howlgallo hadda waxa ay ka waddaan Xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo.