Weeraro Xalay Kadhacay Muqdisho iyo Askar katirsan Ciidamada Dowlada Oo lagudilay

Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa ka dhacay weeraro ay waxyeelo kasoo gaartay Askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Shibis waxa ay ku dileen Askari ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed, waxaana la sheegay dilka ka dib in ay baxsadeen Kooxihii dilka geystay.

Sidoo kale Weerar toos ah ayaa xalay Fiidkii lagu qaaday Ciidamo ka tirsan xasilinta,kuwaasoo ku sugnaa Isgoyska Baar Ubax ee degmada Howlwadaag.

Weerarka ayaa dhacay xilli uu Mashquul ahaa Isgoyska Baar Ubax, waxaana jira waxyeelo soo gaartay ciidamaddii halkaasi ku sugnaa iyo sidoo kale dad Shacab ah.

Shabaab ayaa sheegtay dhammaan Mas’uuliyadda Weeraradii xalay ka dhacay Muqdisho.