Wefdi hordhac u ah Socdaalka Madaxweyne Qoor qoor Oo gaaray dhabad

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug Burhaan Ismaaciil Xersi ayaa kormeer dhinaca amniga ah ku tagay degaanka dhabad ee gobalka galgaduud oo maalamahan la filaayo inay gaaraan madaxda Galmudug.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale kormeeray goobo ay ka mid yihiin saldhiga Booliska dhabad iyo xaruumaha lugu talo jiro in la dajiyo madaxda Maamulka Galmudug

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa la filaya in maalmaha soo socda oo tago degaanka Dhabad ee Gobolka Galgaduud.