Wefdi Ka Socda igaad oo gaaray Kismaanyo

Wafdi kasocda Urur Goboleedka IGAD oo maalmahaan ku sugan Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland una jooga si ay ugu kuur galaan habsami u socdka doorashooyinka Jubbaland ayaa maanta la kulmay Xildhibaanada labada Aqal ee federaalka ah oo deegaan doorashadoodu ay tahay Jubbaland.

Wafdigan oo uu hogaaminayo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Dr.Maxamed Guyow ayaa Xildhibaanadan ka dhagaystay aragtidooda la xiriirta sidii ay Jubbaland uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah oo dhamaan dadka reer Jubbaland ay ku qanacsan yihiin iyadoo la raacayo sharciyada iyo hanaanka u dagsan Jubbaland.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin sida ilaa hada howlahu ay u socdaan isla markana gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugayo in si habsami leh ay doorashooyinku ku dhacaan.

Waxaa xildhibaanadu ay sheegeen in ay ka walaacsan yihiin sida indho la’aanta ah ee Dowlada Federaalku iskugu dayayso in ay fara galiso hanaanka doorashooyinka Jubbaland taas oo wixii ka dhasha ay masuuliyadeeda qaadayso Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya,sida lagu sheegay War laga soo saaray kulankaas.

Xildhibaanada ayaa wafdiga IGAD u sheegay in dadka reer Jubbaland ay mid yihiin isla markaana aanay wax dhibaato ah ka dhex jirin loona baahan yahay in aan dhib la kala dhex dhigin taas oo dib ugu celin karta maalmahii madoobaa ee ay kasoo gudbeen.