Wefdi Ka Socda Koofur galbeed Oo Gaaray Bosaaso

Xubnaha Guddigii xaqiiqa raadinta ahaa ee ka kala socday Xildhibaanada golaha shacabka iyo maamulka Koonfur galbeed oo Maalmahaan ku sugnaa Magaalada Garoowe ayaa gaaray magaala xeebeedka boosaaso ee xarunta gobolka bari waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi.

Guddiga ayaa magaaladda boosaaso kulan kula qaatay bulshada kasoo jeeda deegaanadda koonfur Galbeed ee ku nool magaaladaasi iyagooka xog wareystay xaalka deegaanadda ay ku noolyihiin iyo hadii ay jiraan caqabado heysta iyagoo intaaasi ka dib kormeeray xabsiyada magaaladaasi oo ay dad eedeymo kala duwan loo heysto ay ku xiranyihiin,waxaana ka hadlay qaar ka mid bulshadii iyo waxgaradkii Kulanka ka qeybgay iyo sidoo kale xildhibaano.

Dhinaca kale xubnaha gudiga ayaa kulan la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland,waxaana ka mid ahaa wasiirka Dekadaha,Wasiiru Dowlaha wasaaradda Arrimaha gudaha,Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo sidoo kale taliska qeybta booliska,waxaana kulanka inta uu socday aad looga hadlay dadka xabsiyada ku xiran iyo dembiyada loo heysto iyo sidoo kale in la kala saaro oo si deg deg dadka xiran maxkamad loo horkeeno si dembiilayaasha ay garsoor cadaalad ah u helaan kuwii dembi lagu waayana dib xoriyadooda loo siiyo.