Wefdi Ka Socda QM Oo Garay Beydhabo

Wasiirka Haaweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Marwo; Deeqa Yaasiin iyo Pramila Patten oo ah ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan tacaddiyada galmada ayaa booqasho ku tagay Magaalada Baydhabo.

Wafdigan ayaa waxaa Magaalada Baydhaba ku qaabbilay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Wasiirka Haweenka iyo mas’uuliyiinta ka socota Qaramada Midoobay ayaa inta ay halkaasi joogaan waxay u kuur geli doonaan, heerka ay gaarsiisan tahay tacaddiyada Haweenka, iyagoo madaxda maamulka Koofur galbeed kala sheekeysan doona arriamo ku aaddan ka hortagga gabbood fallada Dumarka.