Wefdi kasocda Aqalka sare Oo gaaray Garowe

Wafdigii ugu horeeyay ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro Dowlad Goboleedyada dalka si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Wafdiga waxaa magaalada Garoowe kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Puntland iyo Guddoomiyaha Guddiga xalinta qilaafaadka u xilsaareen Aqalka sare Dhinaca Puntland Sanatar C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo halkaasi uga sii horeeyay.

Xubnaha Aqalka sare ee gaaray magaalada Garoowe maanta waxaa kamid ah

Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) “Guddoomiye”

Sen. Maxamuud Axmed Maxamuud (mashruuc)

Sen. Siciido Xasan Cusmaan

Sen. Xuseen Sheekh Maxamuud

Sen. Cusmaan Axmed Macow

Sen. Mustaf Maxamed Qodax

Sen. Bootaan Barre Samatar

Sen. Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere

Sen. Farxaan Cali Xuseen

Sen. Hodan Maxamuud Cusmaan

Sen. Ayuub Ismaaciil Yuusuf

Sen. Shukri Adam Maxamed