Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Wafdigiisa waxaa ka mid ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalkaasi , Wasiiro iyo Ganacsato.
Waa markii ugu horreysay oo uu yimaado Magaalada Muqdisho tan iyo Markii uu noqday Madaxweynaha dalkaasi, xilli horay uu Muqdisho u soo gaaray Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Eritrea.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka mid Shacabka Muqdisho ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha.