Wefdi Uu hugaaminayay Madaxweyne Xaaf Oo gaaray Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Maanta gaaray Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Masuuliyiinta ayaa halkaas waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay Maamulka Gobolka Mudug iyo qaybaha Bulshadda Magaaladda Gaalkacyo.

Masuuliyiinta ayaa inta ay joogaan Gaalkacyo waxa ay la kulmi doonaan Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Somaliya oo la filayo in Gaalkacyo soo gaaro, sidoo kale waxa ay kulamo la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee Bulshadda Gaalkacyo.