Wefdi Uu hugaaminayay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid Oo gaaray Dhusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug maanta oo Talaado ah waxaa gaaray wafdi ka socda Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya oo uu hogaaminayay Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).

Wafdiga Aqalka sare ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Gudoomiye ku xigeenada Barlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, Maxamed Axmed Caalim iyo Xilibaano ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug.

Xubnahan ayaa u tagay magaalada Dhuusamareeb sidii xal loogu heli lahaa Xaaladda Galmudug iyo khilaafka soo kala dhex galay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda

Wafdiga ka socday Aqalka Sare ayaa Xarunta madaxtooyadda Galmudug ku booqday Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, iyada oo halkaasi loogu sameeyay kulan soo dhaweyn ah.