Magalada Dhuusamareeb e Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa la filayaa in Maanta oo Talaado ah inay tagaan wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay ula kulmaan Madaxda Maamulka Galmudug.
Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye,waxaana ka mid noqon doona masuuliyiin katirsan dowlada.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shalay lagu waday in uu gaaro Magalada Gaalkacyo, hayeeshee safarkiisii uu dib ugu dhigay sababo la xiriira wafdiga ka socda dowladda Federaalka ee tagaya Dhuusamareeb.
Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa ujeedkiisa Dhuusamareeb waxa uu yahay sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dowladda Federaalka iyo Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb, kuwaas oo khilaaf xilligaan uu ka dhaxeeyo.
Wafdiga ayaa waxa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxweyne Xaaf, Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyaga oo ka wada hadli doona xalinta mad madowga ka dhex jira dowladda iyo Maamulka Galmudug.
Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay laga dareemayo diyaar garowga soo dhaweynta wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, iyada oo ammaanka Maanta siweyn loo adkeeyey.