Weriye Axmed Xasan Colaad oo katirsanaa Idaacadda Voice oo xalay Muqdisho kugeeri’yooday

Muqdisho-GNNFM- Allaha u naxariistee waxaa xalay saq dhexe magaalada Muqdisho ku
geeryooday Wariye Axmed Xasan Colaad oo ka tirsanaa shaqaalaha Idaacadda Voice of America ee (VOA).

Geerida Wariye Axmed Xasan Colaad waxaa Idaacadda Risaala u xaqiijiyay qaar ka tirsan Ehelada Marxuumka, waxaana saakay socoto qaban qaabada Aaskiisa.

Marxuum Colaad oo maalmihii dambe ka sheeganayay inuu ka xanuunsanayo qeybaha sare jirkiisa ayaa waxaa xalay saq dhexe ku soo booday xanuun deg deg ah, kadib qaar ka tirsan eheladiisa ayaa u qaaday Isbitaalka Ex Somali Charmal oo hada loo yaqaano Kulmiye, kuna yaalla degmada Boondheere, halkaasi oo markii dambe uu ku geeryooday.

Axmed Colaad ayaa Barnaamijkii uu Idaacadda ka baahiyo waxa uu ahaa Barnaamijka Faaqidaada Todobaadka oo baxay Khamiistii ina dhaaftay.

Marxuum Axmed ayaa ifka kaga tagay laba wiil iyo laba gabar, qaar ka tirsan dadka yaqaana Marxuumka ayaa sheegay inuu ahaa qof dabeecad ahaan wanaagsan.