Weriye is Maaciil Shikh Qaliifa Oo ku dhawacmay Qarax Gaarigiisa loogu xiray

Wararka naga soo gaaraya degmada Waabari gaar ahaan Waaxda March ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu ka dhacay Qarax gaari.

Qaraxa ayaa ahaa Mid lagu xiray gaari Nooca raaxadda ah, waxaana  ku dhaawacmay ruuxii watay gaariga.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta  u xaqiijiyay in gaariga uu watay wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed, islamarkaana uu soo gaaray dhaawac.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi laga qaaday dhaawaca Wariyaha.

Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa horay u ahaa Agaasimaha Idaacadda Radio Star fm.