Allaha u naxariistee Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa Wariyayaasha ka howlgalayay TV-ga Universal ayaa ka mid noqday dadkii maanta ku dhintay qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho.
TV-ga Universal ayaa xaqiijiyay Geerida Cawil iyo saddex qof oo kale oo ka mid ahaa shaqaalaha TV-ga oo aysan sheegin magacayadooda.
Al-shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.